Sunday, June 7, 2026
26.3 C
Mogadishu

Puntland oo maxkamad soo taagtay Nabaddoono ku xirnaa Boosaaso, kaddib markii ay..

Boosaaso (Halqaran.com) – Maxkamadda Darajada kowaad ee gobolka Bari ayaa Arbacada maanta u fariisatay dacwad loo haysto shan oday oo Maamulka Puntland ku xireen magaalada Boosaaso, kadib markii ay xukuumadda ku dhaliileen Heshiisyo Maalgeshi oo ay kula jirto shirkado laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta.

Odayaasha oo magacyadoodu kala yihiin Nabaddoon Diraac Yuusuf Buuxe, Nabaddoon Cawad Maxamed Faarax, Nabaddoon Maxamuud Axmed Rooble, Nabaddoon Cabdicasiis Axmed Maxamed (Baydhabo) iyo Siyaasi Muuse Cali Jaamac ayaa mudda bil ah lagu hayay xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.

Maxkamadda ayaa kadib markii ay dhegaysatay dacwadda Xeer ilaalinta iyo difaaca Qareennada u doodaya eedaysanayaasha, waxay go’aamisay in mar kale kiiska loo fariisto maalinta Axadda ah ee todobaadka soo socda.

Maxkamadda ayaa la filayaa in Axadda soo socoto ay mar kale u fariisato kiiska dhageysiga dacwadda Odayaasha loo haysto, ayna soo saarto go,aan.

Maamulka Puntland ayaa ku adkeeyay Odayaashaan in sharciga la horgeeyo, kadib markii xubnaha Maamulka ay dareemeen Odayaasha inay wadaan kicin dadweyne.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...