Wednesday, April 22, 2026
29.5 C
Mogadishu

Puntland oo ka laabatay go’aankii masaajidda

Garowe (Halqaran.com) – Puntland oo horay u shaacisay in la xiro Masaajidada ku yaallo deeganada Puntland cabsida laga qabo Caabuqa Coronavirus awgii ayaa waxaa soo baxay in Maamulka dib ugu laabtay go,aankaasi.

Culimadda deeganada Maamulka Puntland ayaa si adag uga dhiidhiyay amarka ka soo baxay Wasaaradda Cadaaladda Puntland ee sheegaayay in la xiro Masaajidada.

Wasiirka Cadaaladda Puntland Cawil Sheikh Xaamud, oo shalay kulan gaar ah la qaatay culimaa’udiinka masaajidda, ayaa sheegay in Maamulka ay khafiifiyeen go’aankeedii ahaa in la xiro masaajidda, si looga hortago Coronavirus.

Wasiir Xaamud, ayaa sheegay in dowladda iyo culimaa’udiinku ay isu raaceen in masaajiddu sii furnaadaan, balse la xiro musqulaha iyo goobaha lagu weesaysto ee masaajidda, islamarkaana la ilaaliyo nadaafadda, si looga hortago cudurkaas.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay, in masaajidda ku yaalla Puntland ay sii furnaan doonaan, haddii aan kiisas coronavirus ah laga helin gudaha Puntland, balse haddii kiisas cusub la arko dhammaan la xiro doono masaajidda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...