Wednesday, April 22, 2026
29.5 C
Mogadishu

Dowladda Somaliya oo la soo gaarsiiyay qalabka baarista iyo ka hortaga cudurka Coronavirus +(VIDEO)

Muqdisho (Halqaran.com) – DF Soomaaliya ayaa la wareegtay qalab caafimaad oo qayb ka qaadanaya qorshaha looga hor tegayo in dalka uu ku faafo Caabuqa corona (COVID-19) ee dhibaatada badan caalamka ku haya.

Maxamed Siciid Cabdullaahi, Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada, Maxamed Saciid Cabdullaahi,  ayaa safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Qin Jian, kala wareegay deeqda oo qayb ka ah gargaar caafimaad oo aasaasaha shirkadda Alibaba, Jack Ma uu ugu deeqay Afrika, si ay awood ugu yeeshaan xakameynta Cudurka.

Gargaarka ayaa waxaa qayb ka ah qalabka dadka looga baaro caabuqa Corona iyo qalabka ay isticmaalaan dhaqaatiirta ka howl gala xarumaha caafimaad iyo goobaha lagu baaro dadka looga shakiyo Caabuqa.

Dowladda Soomaaliya oo dadaal xooggan ugu jirta in dadka Soomaaliyeed laga badbaadiyo Qatarta xanuunka Corona Virus, ayaa qaaday tillaabooyin looga hor tegayo faafitaanka cudurka, waxayna diyaariysay guddiyo ka shaqeeya daryeelka bulshada, xarumo lagu karaantiilo dadka looga shakiyo inay qabaan iyo xaruma kale oo dadka lagu daweeyo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...