Garoowe (Halqaran.com) – Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in aanay caawin karin kuwa ka maqnaa Shirkii War-murtiyeedka laga soo saaray ee Magaalada Dhuusamareeb, isla markaana lagu go’aamiyay nooca ay noqoneyso doorashada Soomaaliya, waxaan uu ku tilmaamay inay yihiin qaswadayaal ragaadinaya ka qeybgalka.
Mareykanka Xubnaha uu ku tilmaamay qaswadayaasha ee ka maqnaa Shirka Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay ahaayeen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, waxaana eedeynta Mareykanka ka jawaabtay Puntland.
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha maamulka Puntland, Nuuradiin Aadan Diiriye ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay in Ereyada lamidka ah qaswadayaal (Spoilers) aysan wax macne ah laheyn, balse muhiim ay tahay in is afgarad laga gaaro doorashada.
”Xaqiiqdi waa waqtigii saaxibadeenna caalamiga ahi ay fahmi lahaayeen oo ay si buuxda ugu qanceen in marwalba ay ahayd Soomaali go’aan ka gaarey geeddi-socodkooda doorashada waqtiyadii la soo dhaafay sidaasna ay ku sii jiri doonaan mustaqbalka. Erayada ‘qaswadayaasha’ (Spoilers) wax macne ah malaha. (Maalaa-yacni)”
Puntland ayaa maalmo ka hor codsatay in faragalin ay beesha Caalamku ku sameyso arrimaha shirka Dhuusamareeb si ay u dhacdo is aaminaad, iyaga oo shuruud uga dhigay ka qeyb-galka Shirka in la helo Xukuumad fulisa waxyaabaha lagu heshiiyo.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






