Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay mowqifkeeda ku aadana diyaaradaha dalka keena qaadka, kaas oo dad farabadan oo Soomaaliyeed ay ka ganacsadaan.
Maareeyaha Hay’adda Duulista rayidka, Axmed Macallin ayaa sheegay in marnaba ay Soomaaliya aysan soo geli karin diyaaradaha sida qaadka, isla markaana dowladda Soomaaliya ay mamnuucday in dalka la keeno jaadka.
Axmed Macallin ayaa in dhowr jeer ay Hawada Soomaaliya ka celiyeen diyaarado jaad siday, sidoo kale ay qabteen jaad lagu soo dhex qariyay alaabo kale oo dalka la keenay, isla markaana ay gubeen.
Maareeyaha Hay’adda Duulista rayid, ayaa sidoo kale sheegay in duuliyihii ama Beyloodkii isku daya in Soomaaliya uu soo geliyo diyaarad sida jaad uu weyn doono leysinkii ama ruqsadii duuliyenimo.
Ugu dambeyn, hadalka Maareeyaha Hay’adda Duulista rayidka Axmed Macalin ayaa ku soo beegmaya, xilli guud ahaan Soomaaliya si caadi ah loo keeno jaadka, isla markaana lagu iibiyo suuqyada waaweyn ee Magaalada Muqdisho.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com