Friday, May 1, 2026
28.3 C
Mogadishu

Update: DF Somaliya oo dalka ka mamnuucday in la keeno Jaadka

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay mowqifkeeda ku aadana diyaaradaha dalka keena qaadka, kaas oo dad farabadan oo Soomaaliyeed ay ka ganacsadaan.

Maareeyaha Hay’adda Duulista rayidka, Axmed Macallin ayaa sheegay in marnaba ay Soomaaliya aysan soo geli karin diyaaradaha sida qaadka, isla markaana dowladda Soomaaliya ay mamnuucday in dalka la keeno jaadka.

Axmed Macallin ayaa in dhowr jeer ay Hawada Soomaaliya ka celiyeen diyaarado jaad siday, sidoo kale ay qabteen jaad lagu soo dhex qariyay alaabo kale oo dalka la keenay, isla markaana ay gubeen.

Maareeyaha Hay’adda Duulista rayid, ayaa sidoo kale sheegay in duuliyihii ama Beyloodkii isku daya in Soomaaliya uu soo geliyo diyaarad sida jaad uu weyn doono leysinkii ama ruqsadii duuliyenimo.

Ugu dambeyn, hadalka Maareeyaha Hay’adda Duulista rayidka Axmed Macalin ayaa ku soo beegmaya, xilli guud ahaan Soomaaliya si caadi ah loo keeno jaadka, isla markaana lagu iibiyo suuqyada waaweyn ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska  Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...