Friday, April 10, 2026
28.9 C
Mogadishu

Puntland: Imtixaanka shahaadiga ah oo maanta si rasmi ah u furmay

Puntland (Halqaran.com) – Cabdullaahi Maxamed Xasan Wasiirka Waxbarashada DG Puntland ayaa faah-faahin ka bixiyay Imtixaan sanadeedka 2020/21 oo maanta ka billowday deegaannada DG Puntland, tirada guud ee ardayda ka qeyb galeysa sanadkaan waxa uu ku sheegay in ay gaarayaan 17,735-arday oo isugu jira fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe  iyo fasalka 12-aad ee dugsiga sare.

Wasiir Cabdullaahi ayaa ardayda dugsiga sare (Fasalka 12-aad) ee sanadkaan imtixaanka galeysa ku sheegay 5708-arday halka fasalka 8-aad tiro ahaan ay yihiin 12,027-arday sida uu sheegay wasiirka Waxbarashada DG Puntland.

“Marka aan is barbardhigno sanadkaan iyo sanadihii hore waxaa kordhay ardayda, tusaale gabdhaha ayaa aad uga kordhay fasallada 8-aad & 12-aad, kalama yaro gabdhaha iyo wiilasha maadaama la sameeyay wacyigelin,” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada DG Puntland.

Cabdullaahi Maxamed Xasan wasiirka Waxbarashada DG Puntland waxa uu tilmaamay in Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya is faham ka gaareen muran sanadihii dambe ka taagnaa qaadista imtixaan sanadeedka, bixinta shahaadooyinka iyo deeqaha waxbarasho ee dibadda oo lagu qiimeeyo derajooyinka (Dhibcaha) ay ka helaan Imtixaanka.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...