Bari (Halqaran.com) – Guddiga ka hortagga iyo la dagaalanka Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus ee Gobolka Bari ayaa soo saaray Go’aano looga hortagayo Cudurka, xilli degaannada Gobolka Bari uu ku faafay.
Go’aanada oo ka kooban ayaa waxaa ay yihiin kuwo ku socda Shacabka Gobolka Bari, si looga hortaggo faafitaanka Cudurka COVID-19, waxaana Go’aannada ay kala yihiin.
- Dhammaan waxaa la joojiyay isu imaatinka dadweynaha sida rafladaha, shirarka iyo Aroosyada iwm, wiri shirar ah ee laga maarmi waayo waraa lala socodsiinayaa Guddiga.
- Waa in qof kasta uu xirto AF XIRAMA AF SAAB (FACE MASK)
- Oof kasta oo laga helay Covid-19 isla markaana lagu arko isagoo bulthada ku dhex jira waxaa loo gudbinayaa ciidanka amaanka waana la xirayaa.
- Dhammaan Shirkadaha iyo Darawalada Gaadiidka dadweynaha waxaa la farayaa in aanay qaadin qof aan xirnayn AF XIR AMA ( FACE MASK).
5.Dhammaan goobaha ganacsiga ay kamid yıhiin meheradaha, Hoteelada, Bakhaarada, suuqyada laga dukaamaysto, goobaha igaaruinta,
Xawaaladaha, bangiyada iyo goobaha lagu kulmo IWM, wasaa la farayaa in ay ilaaliyaan go’aanadan caafimaad waana in aanay soo galin qof aan wadan AF XIRKA AMA FACE MASK.
- Dhammaan meheradaha ganacsiga iyo xafusyada Dawladda waraa la farayaa in ay keensadaan faradhaq saahuunayran ama jeermis dile.
- Dhammaan maamulada masaajidada waxaa la farayaa in la xiro goobaha waysada iyo musqulaha, masaajidkana aan loo ogolaan qof aan wadan Al xirka lana joogteeyo kala fogaanshaha.
- Dhammaan goobaha waxbarashada sida jaamacadaha iskuulada macaahidda du gsiyada quraanka waxaa la farayaa in laga isticmaalo Af xirka lana llaalyo kala fogaanshaha.
- Dhammaan goobaha caafimaadka waxaa la farayaa in ay yareeyaan booqashada dadka u immaanaya bukaanka looga shakiyey cudurka covid 19 oo aanay ogolaan wax ka badan hal qof.
- Waxaa la farayaa Dhammaan mamulayaasha garoomada kubadda cagta in aan loo ogolaan in ay galaan garoonka inta cayaareysa maahee cid kale.
- Dhammaan ciidamada jooga baraha kaantaroolada waxaa la farayaa in ay hubiyaan gaadidka dadwaynaha in ay xiran yihiin Af xir ama face mask.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





