Friday, April 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

Odawaa oo si kulul u eedeeyay Farmaajo‚‘‘beentii 3 sano iyo bar, 7 daqiiqo ayay ku soo gabagabowday‘‘!

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo  ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu guul-dareystay ka shaqeynta in doorashada dalka ay ku dhacdo xilligeedii loogu tala galay.

Odawaa ayaa sidoo kale sheegay in Saddex sano iyo Bar Madaxtooyada, Guddiga Doorashada iyo Xukuumaddii dhacday aysan wax diyaar-garow ah u gelin doorasho qof iyo cod ah.

“Dhammaan dadka soomaaliyeed waa jeclaan lahaayeen in la qabto doorasho qof iyo cod la qabto, laakiin waxaa la isku waafaqsan yahay in aan loo diyaar garoobin, guddiga doorashada, Madaxtooyada Villa Soomaaiya iyo xukuumadda hadda xilka ka tagtay wax diyaar garow ahaysan qaban 3 sano iyo barkii la soo dhaafay u gelin”, ayuu yiri Cabdiraxmaan Odawaa oo ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka.

Sidoo kale, Xildhibaan Odawaa ayaa sheegay markii Madaxweyne Farmaajo uu ku fashilmay muddo kordhin in uu go’aan deg deg ah qaatay oo ku aadan in uu cayriyo xukuumaddiisa.

“Been abuurka Madaxweynahu uu sameeyay sedex sano iyo bar xukuumadiisii horta ka muuqatay oo 7-daqiiqo ku dhacday, asagana in ay noqonin in asagan uu ku yimaado culeyskii kii lamid ah aad iyo aad baan u rajeyneynaa” ayuu markale yiri Xildhibaan Odawaa.

Ugu dambeyn, Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in Dhuusamareeb ka keeno doorasho heshiis lagu yahay, balse haddii uu dhaafo jidka Dhuusamareeb ay soo wajihi doonto culeyska Xukuumaddii RW Kheyre oo kale wixii ku dhacay oo ay ku soo gabagabowday 7-da daqiiqo gudahood.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...