Saturday, May 9, 2026
27.8 C
Mogadishu

Nuxurka Shirkii dhexmaray Shanta Madaxweyne goboleedka ee dalka

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynayaasha maamul goboleedyadda ayaa xalay yeeshay kulan dhanka teleefanka kadib dadaallo ay waday maalmihii lasoo dhaafay beesha Caalamka oo ku aadana khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle iyadoo diirada lagu saaray sidii dalka ay uga dhici laheyd doorsho lagu wada qanacsan yahay.

Qodobbada kulanka looga hadlay waxaa ka mid ah Xaaladda Gobolka Gedo iyo muranka ka taagan Guddiga doorashooyinka ee lagu muransan yahay.

Wararka ayaa sheegaya, in Madaxda ay ku heshiiyeen in la xaliyo khilaafka ka taagan doorashada waxaana ay ku balameen kulan deg deg ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...