Addis Ababa (Halqaran.com) – Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Itoobiya ayaa Guddoomiyaha Aqalka Sare u doortay nin Soomaali ah.
Aadan Faarax Ibraahim oo ka soo jeeda Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa gelinkii dambe ee shalay cod aqlabiyad leh loogu doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Itoobiya.
Aadan Faarax ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Dowlad Deegaanka Soomaalida, isagoo soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Deegaanka fadhigeedu yahay Jigjiga.
Guddoomiye Aadan Faarax ayaa bedelaya Keria Ibrahim oo xilkaasi soo heysay tan iyo bishii April ee sanadkii 2018, iskana casishay maalintii Isniinta ee la soo dhaafay.
Guddoomiyaha cusub ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Itoobiya oo wareysigii ugu horeeyay siiyay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa kaga hadlay xilkaasi iyo waxa uu uga dhigan yahay Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Waa Soomaaligii ugu horreeyay ee jago intaasi la eg ka qabta baarlamaanka dalka Itoobiya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





