Tuesday, February 10, 2026
25.3 C
Mogadishu

Nin soo jilaabtay kalluun qiimihiisu yahay $2.6 milyan ayaa ku kacay arrin layaab leh!

Nigeria (Halqaran.com) – Nin  u dhashay dalka Nigeria ayaa waxa uu badda kasoo jilaabtay kalluun kamid ah nuucyada ugu qaalisan adduunyada ee la yiraahdo Blue Marlin Fish, waxaana halkiisa pound ee ka midka ah kalluunkaan lagu kala iibsadaa lacag gaareysa 31 kun oo doolar.

Waxaa la sheegaa in guud ahaan halka xabo ee kalluunkaan uu joogo 2.6 milyan oo doolar,balse dhacdada ka yaabisay dad badan ayaa waxa ay aheyd in ninkaan uu geeyay kalluunka tuuladiisa dabadeedna ay cuneen halkii ay ka iibsan lahaayeen si ay u helaan lacagtaas oo wax weyn u tari laheyd.

Dad badan oo u dhashay dalkaas ayaa waxa ay ku tilmaameen dhacdadaan mid jaahilnimo ah maadaama la khasaariyay kalluun lacagta laga helo ay nolol badan badeli karto.

Ninkaan ayaa waxa uu ku nool yahay tuulada Warri ee gobolka Delta Nigeria.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...