Canada (Halqaran.com) – Nin hubeysan oo watay gaari booliis ah ayaa dilay ugu yaraan 16 qof oo ay ku jirto haweeney halka la yiraahdo Nova Scotia ee dalka Canada, sida ay sheegeen booliska federaalka, waana kiiskii ugu xumaa ee noociisa ah taariikhda dalkaas oo dhan.
Ninka toogashada geystey, ayaa lagu sheegay magaciisa Gabriel Wortman, oo 51 jir ah, waxaana toogtay askar booliis kadib 12 saacadood oo lagu daba jiray.
Dhibbanayaasha ayaa waxaa ka mid ahaa gabar rugcadaa ah oo la shaqeysa booliska Royal Canadian Mounted, oo iyaduna gacanta ku haysa hirgelinta sharciga degmada iyo fulinta sharciga ee gobolka.
Rabshadaha nuucan ah ee ka dhaca Canada aad bay uga yar yihiin kuwa deriska la ah Mareykanka, hubkuna si aad ah ayaa loo xakameeyaa, laakiin kan ayaa ah kii ugu xumaa ee abid ka dhaca dalka, waxaana ay ka sarreeya kii 1989-kii markaas oo nin hubeysan uu dilay 14 haween ah ardayda dhigata Montreal’s Ecole Polytechnique.
Telefishinka dadweynaha ee CBC ayaa soo xigtay Wakiilka RCMP Brenda Lucki isagoo leh booliisku way ogyihiin ugu yaraan 16 dhibanayaal ah.
Wargeyska The National Post ayaa sheegay in dhibbaneyaasha uu ku jiray macallin dugsi hoose ah, isaga oo soo xiganaya barta Facebook ee haweeneyda la dhalatay.
Waxaa socda wali baaritaano dheeraad ah iyaga oo baaraya asal ahaan wixii fududeeyey dhacda ay aad uga naxeen dad ku nool Canada, iyada oo ay isha ugu haayeen Cudurka CoronaVirus.
Dowladda Canada ayaa xaqiijisay dadka qaba Covid-19 in ay gaarayaan 35,056 qof, iyadoona ay kasoo kabsadeen 11,843, waxaa u geeriyooday 1,587 ruux.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






