Saturday, May 9, 2026
27.3 C
Mogadishu

VIDEO: Guddiga ka hor-tagga Coronavirus oo ka digay khatarta ka dhalan karta qarsashada Cudurka

Tala-bixiyaha caafimaad ee COVID 19, Dr Maxmed Cali Fuje,

Muqdisho (Halqaran.com) – Tala-bixiyaha caafimaad ee COVID 19, Dr Maxmed Cali Fuje, oo xalay ka war bixiyay dadaallada ay wadaan guddiga qaran ee kahor tagga COVID-19, ayaa bulshada Soomaaliyeed uga digay khatarta iyo saameynta ay yeelan karto in bukaannadu qarsadaan cudurkaan halista badan ee laayaanka ah.

Dr Maxmed Cali Fuje waxuu caddeeyay in guddigu bixiyeen dadaallo guuleystay, si habsami lehna u socdaan howalaha xarumaha caafimaadka ee loo diyaarshay in dadka lagu baaro, kuwa bukaannada lagu daweeyo iyo xarunta xariirka COVID-19 ee bulsha lagula socodsiiyo talooyinka ay u baahanyihiin, sidoo kalana looga gurmado dadka u baahan gurmadka degdegga ah.

Dhaqtarka ayaa ku celiyay in dadaalkaas oo dhan sababta loo bixinayo ay tahay in kor loo qaado heerka bed-qabka bulshada, hase yeeshee hadii dadku ay qarsadaan cudurka oo aysan tegin goobaha baarista oo aysan raadsan talooyin caafimaad, ay keeneyso in cudurku uu sii faafo, oo dhibaato uu gaarsiiyo dad badan oo la badbaadin kari lahaa.

Tala-bixiyaha caafimaad ee COVID 19 ayaa ku taliyay in qof kasta oo isaga shakiya cudurkaan uu la xariixo xarunta xariirka COVID-19, lana raaco talooyinka la siinayo, si guul looga gaaro dadaallada naf-baadinta ee lagu doonayo inay daryeel buuxa ku helaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...