Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay laba qarax Khasaare geystay oo maanta ka dhacay degmada Awdheegle

Awdheegle (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa sheegaya in laba qarax oo miino ah ay halkaasi ka dhaceen.

Wararka ay haleyso mareegta Halqaran.com, ayaa sheegaya, in qaraxyadan la galiyay maqaayad inta badan Shaaha ay ka cabaan Ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya, gaar ahaan Ciidamada Booliska ee ku sugan Degmada Awdheegle.

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo mid uu yahay Askari ka tirsan Ciidamada dowladda Federalka Soomaaliya ayaa ku dhintay Qaraxaasi, halka sidoo kale uu ku geeriyooday Ruux shacab ahaa oo maqaayada fadhiyay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in saddex ruux oo shacab ah iyo Askar in ay ku dhaawacmeen qaraxyadaasi miino ee ka dhacay Degmada Awdheegle.

Maqaayadda Shaaha laga cabo ee la qarxiyay, ayaa Subax kasta waxaa shaaha ka caba Ciidamada Booliska ee ee ku sugan degmada Awdheegle, waxaana Qaraxyadan meesha galiyay Ururka Al-Shabaab, sida Saraakiisha ay sheegeen.

Uga dambeyn, tan iyo markii Xoogaga Al-Shabaab laga qabsaday Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha hoose ayaa waxa ay Al-Shabaab isku dayayeen inay dhibaatooyin kala duwan ka gaystaan Degmadaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...