Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah xaqiijiyeen in dib loo dhigay furitaanka Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka iyo midka Aqalka Sare.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in dib loo dhigay Kalfadhiga 7aad ee Labada Aqal, sababo la xiriira COVID-19.
Iyadoo laga duulayo talooyin ay soo jeedisay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa qoraalka lagu sheegay in dib loo dhigay furitaanka Kalfadhiga 7aad, si loo ilaaliyo bad-qabadka Senatorada, Xildhibaanada, Guddoonka Labada Aqal iyo weliba Shaqaalahooda Baarlamaanka.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in halis caafimaad ay ku tahay Golaha Labada Aqal inay halmeel isugu yimaadaan, bacdamaa ay xaalad adag ka dhalatay Cudurka Coronavirus.
Furitaanka Kalfadhiga 7aad oo maanta lagu waday in uu furmo ayaa dib loo dhigay, illaa iyo inta xaladda ka dhalatay Coronavirus wax iska bedelayan, Guddoonka Labada Aqal ayaana war kale ka soo saari doono, sida qoraalka lagu sheegay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com








