
Baydhabo (Halqaran.com) – Xildhibaannada Baarlamaanka Koonfur Galbeed, ayaa isniinta maanta waxay muddo kordhin u sameeyen Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Cabdi (Laftagareen), kadib kulan ay ku yeesheen Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Waxaa kulankan shir guddoominayay Cali Saciid Fiqi, guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxaana soo xaadirtay 87 Xildhibaan.
Guddoomiye Cali Saciid Fiqi ayaa kulanka ka sheegay in tiro ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka, ay soo gudbiyeen mooshin muddo kordhin loogu sameynayo Madaxweynaha, iyadoo markaasi lagu jaangoynayo in isku waqti la qabto doorashooyinka madaxtooyada iyo midda Baarlamaanka.
Xafiiska Madaxtooyada ayaa hal sano iyo laba bilood ka horeeya xilliga la soo dhisay Baarlamaanka Koonfur Galbeed, taasoo uu macnaheedu yahay in Madaxweynuhu uu xafiiska sii jooggi doono afarta sano ee soo socota.
Xildhibaannada Baarlamaanka Labaad ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa la soo xulay 19-kii bishii hore ee Maarso, iyadoo uu muddo xileedkoodu yahay afar sano. Baarlamaankii midkan ka horeeyay ayuu waqtigiisu ku ekaa dabayaaqadii sanadkii hore.
Mooshinka mudada loogu kordhinayay Madaxweynaha oo gacantaag ay ku codeeyeen Xildhibaanada ayaa waxaa haa ugu codeysay 87 xubnood, iyadoo aynaan jirin cid ka aamustay amaba diiday, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen ayaan ka qaybgelin kulankii maanta, sababo ku aadan, isagoo weli xaalad karantiil ah ku jira.
Tallaabada mudada loogu kordhiyay Madaxweyne Laftagareen ayaa ahayd mid horeyba loo sii filaayay, haddii Xildhibaannada ay u badan yihiin kuwo ay soo xushay Madaxtooyada Koonfur Galbeed.
Muddo kordhinta loo sameeyay Laftagareen waxay liddi ku tahay go’aankii sanadkii 2018, ay wasaaradda arrimaha gudaha ee DF Soomaaliya ku sheegtay in Doorashooyinka Maamul Goboleedyada ay tahay inay waqtigooda ku qabsoomaan, iyadoo wax muddo kordhin ahna aysan jirin.
Hase ahaatee aamusnaanta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dhaqdhaqaaqan Magaalada Baydhabo ayaa lagu macnayn karaa, mid ay gadaal ka taagan tahay Villa Soomaaliya.
Isku soo wada duub, dadka qaarkii waxayba durbaba tani ku fasireen mid bilow u ah qorshaha Villa Soomaaliya lagu eedeeyay, ee ah in muddo kordhin ay dooneyso inay sameysato.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





