Tuesday, June 2, 2026
28 C
Mogadishu

Nin 10,000 oo geed ku beeray lama deggaan!

India (Halqaran.com) – Satyendra Manjhi wuxuu helayaa maalmahaan ammaan iyo bogaadin dadweynaha uga imaaneysa kaddib markii uu u guntaday dhowridda deegaankiisa.

Mr. Manjhi wuxuu ku guuleystay inuu qiyaastii 10,000 oo geed uu ku beero hareeraha webiga Phalgu oo ku yaalla gobolka Bihar ee dalka Hindiya kaas oo aan horey u laheyn dhir manaafacaad leh.

Howshaan miro dhashay waxa ay ku qaadatay in uu dhammeystiro 15 sano. Wuxuu sheegay in uu ka ilaaliyay xayawaanaadka duur joogta ah in ay cunaan dhirta uu beeray.

Caqabadaha ka hor yimid intii uu howsha waday ayuu sheegay inay badnaayeen wuxuu ka xusay in biyaha uu ku waraabinayey geedaha uu ku soo dhaamin jiray dheri.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...