24.5 C
Mogadishu
Saturday, August 13, 2022

Muxuu yahay Ujeedka Ahlu Sunna ay isku hortaagtay Shir haweenka Galmudug ku lahaayeen Dhuusamareb?

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Ahlu Sunada Galmudug ayaa waxay is hortaag ku sameysay shir haweenka Galmudug ku lahaayen Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, si ay aayahooda siyaasadeed uga tashadaan.

Haweenka oo isaga kala yimid Deegaanada Galmudug ayaa Dhuusamareeb u yimid, sidii ay kaga arrinsan lahaayen mustaqbalkooda siyaasadeed ee maamulka cusub ee lagu wado in loo yegleelo dadka reer Galmudug.

Shirka haweenka oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Daryeel Bulsho Guud (DBG) ayaa fasax ka haysatay Taliyaha Saldhiga Booliska Dhuusamareeb, Cabdi Madoobe, ha yeeshee waxaa taasi waxba kama jiraan ka soo qaaday Gudoomiyaha Degmada Dhuusamareeb, Macalin Nuur Cilmi Cabdulle.

Safiya Muumin Xasan oo xubin ka ah ururka haweenka ee Gobolka Galgaduud, sidoo kalena ka mid ahayd haweenkii DBG ka dhaadhiciyay in la kulmiyo haweenka Galmudug ayaa si adag uga hadashay tallaabada uu ku gacan bidixeeyay Gudoomiyaha Degmada Dhuusamareeb.

“Dadaal badan ka dib waxaan ku guuleysanay inaan Magaalada Dhuusamareeb isugu keeno Ururada haweenka ee ka jira Gaalkacyo, Hobyo, Cadaado, Caabudwaaq, Xeraale, Guriceel, Matabaan iyo ururada haweenka ee ka jira deegaanada kale ee Galmudug. Ujeedkayaga wuxuu ahaa inaan aayahayaga ka tashano, fasax ayaana uga haysanay Taliyaha Saldhiga, laakiin waxaa inoo diiday inaan kulano Gudoomiyaha Degmada.” Ayay tiri Safiya Muumin Xasan.

Safiya Muumin Xasan ayaa tiri “Waxaan samayno waan garan weynay ceeb iyo weji gabax ayay nagu noqotay in haweenkii aan Dhuusamareeb u keenay shirka haweenka ururada Galmudug loo diido inay ka doodaan, sidii ay siyaasadda door muuqdo ugu yeelan lahaayen. Gabdhihii waxaan u sheegno ayaan weynay, inaan ka qarino xitaa waan isku daynay, laakiin magaalada ayay ka maqleen.”

Waxay kaloo tiri “Ninkan Gudoomiyaha sheeganayo bal fiiri ceebta uu sameeyay waxaa diyaar u ahayd inay shirka ka qaybgasho Gudoomiyaha ururka haweenka ee Dhuusamareen, Siraad Shido Faarax. Waa haweeneydii saxiixday kursiga uu maanta ku fadhiyo.”

Iyadoo la hadleysay Warbaahinta gudaha ayay tiri “Gabdhihii aan ka kala keenay magaalooyinka Galmudug waxaan dib ugu celinay deegaanadooda. Baabuur ayaan qaarkood saarnay, qaarka kalena diyaarado ayaan ku daad gureynay illaa Xamar.”

Safiya Muumin ayaa intaa ku dartay “Albaab walba ayaan u gargaraacnay inaan shirka ku qabsano Magaalada Dhuusamareeb, laakiin waxaa naga soo xiray Gudoomiyaha. Ma garan karno sababta Gudoomiyaha iyo Ahlu Sunna noogu diideen inaan mustaqbalkayaga ka hadalno. Waase wax haweenka Galmudug loogu diidan yahay inay kaalin ku yeeshaan siyaasadda.”

Haweeneydan oo ka careysan sida guracan ee loola dhaqmay ayaa tiri “Ahlu Sunna markii ay Galmudug ku biireysay waxaan is lahayn is bedel baa imaanaya, wax is bedel ah meeshaan kama jiro, Ahlu Sunna ayaana sidii hore uga taliso magaalada. Waa maamul awood sheeganaya oo doonaya inay dalka kala qaybiyan, lama dhihi karo urur baa ka talin jiray Dhuusamareen, weli caqabadii way taagan tahay.”

Safiya ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo caalamkaba u sheegtay in Magaalada Dhuusamareeb ay tahay magaalo lagu caburiyo haweenka.

“Dadka Soomaaliyeed iyo adduunkaba waxaan u sheegaynaa inay meeshaan ka socoto caburin lagu hayo haweenka Galmudug, loona diiday inay aayahooda ka tashadaan.” Ayay tiri Safiya Muumin.

Ugu damben, haweenka Galmudug oo damacsanaa inay meesha ka saaraan midnimo la’aantii dhexdooda lagu dhaliili jiray ayaa waxaa taasi riyo been ah ka soo qaaday Ahlu Sunna.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Ex-Aljazeera journalist voted in as Wajir South MP

By BERTHA OCHOMO Ex Aljazeera journalist has been elected as...

One million people displaced by drought in Somalia, says UN

A historic drought in Somalia has now displaced one...

Uganda, Somalia ink MoU on Defence Cooperation

Somalia and Uganda have signed defence cooperation agreement following...

FAO appeals for over $130M to assist 882,000 people across drought-hit Somalia

By - Mohammed Dhaysane  / AA The UN Food and...

Kenyan presidential candidates in final dash before vote to succeed Kenyatta

Flanked by cheering crowds, the frontrunners in Kenya's presidential...
spot_img

Duqa Muqdisho ‘Cumar Filish’ oo dhagax dhigay dhismaha Buundo muhiim ah

Muqdisho (Halqaran.com) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Sabtida maanta ah dhagax dhigay dib-udhiska Buundada...

DAAWO VIDEO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo dardaaran cajiib ah u diray Shacabka Somaliland

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay mudaaharaadyadii rabshadaha xigay ee Khamiistii ka dhacay qaar ka mid ah Magaalooyinka...

Ex-Aljazeera journalist voted in as Wajir South MP

By BERTHA OCHOMO Ex Aljazeera journalist has been elected as Wajir South member of parliament. Mohammed Adow who was a correspondent of the international media won...