Saturday, July 18, 2026
26.9 C
Mogadishu

Muxuu u sheegay C/raxmaan Cirro Xubnaha ka socda Beesha Caalamka ee uu kula kulmay Nairobi?

Guddoomiye Xisbiga Waddani ee Somailland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdullahi Cirro /Sawir hore/Keydka HQ

Nairobi (Halqaran.com) – Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani ee Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdullahi Cirro ayaa kulamo kala duwan la qaatay xubno ka mid ah Beesha Caalamka oo uu kula kulmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Mr. Cirro ayaa wakiillada Midowga Yurub iyo danjire ku xigeenka Mareykanka kula kulmay Nairobi, waxaana uu u sheegay in Muuse Biixi Cabdi uu doonayo dagaal sokeeye oo ay Somaliland dib ugu laabto.

“Muuse waxaa uu doonayaa in uu gaaro ahdaaf uusan ku gaarin dagaalkii sokeeye ee sanadkii 1994tii, taas waxaa ay ka soo horjeeddaa rabitaanka Dadka Somaliland”, ayuu yiri Guddoomiye Cirro.

Wakiillada Beesha Caalamka ee uu la kulmay Cirro ayaa shaaciyay in 18ka Bishan December ay ergo ka socota tagayaan Hargeysa muddo laba maalmood ahna ku sugnaanayaan halkaas si ay u qiimeeyaan xaaladda Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada u sheegay in ay sameystaan muddo kororsi si isaga uu waqti kororsi u helo marka la gaaro doorashada Madaxweynaha Somaliland.

Si kastaba, labada Gole ee Somaliland ayaa muddo 15 sano ah fadhiya kuraasta kuwaas oo kaliya qofka dhinta uu Kursiga banneeyo halka inta kale aanay gelin wax doorasho ah muddo kororsina sameeyaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...