Wednesday, April 22, 2026
26.4 C
Mogadishu

Al-Shabaab oo la wareegtay deegaan ay ka baxeen ciidamada Jubbaland

Dhoobley (Halqaran.com) – Wararka inaga soo gaaraya deegaano hoostagga degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland ay isaga baxeen deegaanka Dag-allamo oo hoostagga degmadaasi Dhoobleey, islamarkaana ay la wareegeen Al-Shabaab.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar waxa ay ku qaadeen deegaankaas, waxaana la sheegay in ka hor weerarka ay Ciidamada Jubbaland, isaga baxeen deegaanka, kadib markii ay ka warheleen weerarka Al-Shabaab, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dad ku sugan Dag-allamo oo hoostagga degmada Dhoobley ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa waxaa ay sheegeen in xalay illaa saakay gudaha deegaanka lagu arkayay xubno ka tirsan Al-Shabaab, hayeeshee Ciidamada Jubbaland ay ku sugan yihiin duleedka deegaanka.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee Gobolka Jubbada Hoose weli kama hadlin ka bixitaanka Ciidamada Jubbaland ee deegaanka Dag-allamo oo  ahaa deegaan muhiim ah.

Deegaanka Dag-allamo oo hoos taga degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa waxaa Ciidamada Jubbaland ay Al-Shabaab kala wareegeen sanadkii 2012, waxaana jiray weeraro dhawr ah oo kaga yimid dhinaca Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...