Al-Shabaab oo la wareegtay deegaan ay ka baxeen ciidamada Jubbaland

Dhoobley (Halqaran.com) – Wararka inaga soo gaaraya deegaano hoostagga degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland ay isaga baxeen deegaanka Dag-allamo oo hoostagga degmadaasi Dhoobleey, islamarkaana ay la wareegeen Al-Shabaab.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar waxa ay ku qaadeen deegaankaas, waxaana la sheegay in ka hor weerarka ay Ciidamada Jubbaland, isaga baxeen deegaanka, kadib markii ay ka warheleen weerarka Al-Shabaab, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dad ku sugan Dag-allamo oo hoostagga degmada Dhoobley ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa waxaa ay sheegeen in xalay illaa saakay gudaha deegaanka lagu arkayay xubno ka tirsan Al-Shabaab, hayeeshee Ciidamada Jubbaland ay ku sugan yihiin duleedka deegaanka.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee Gobolka Jubbada Hoose weli kama hadlin ka bixitaanka Ciidamada Jubbaland ee deegaanka Dag-allamo oo  ahaa deegaan muhiim ah.

Deegaanka Dag-allamo oo hoos taga degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa waxaa Ciidamada Jubbaland ay Al-Shabaab kala wareegeen sanadkii 2012, waxaana jiray weeraro dhawr ah oo kaga yimid dhinaca Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com