24.5 C
Mogadishu
Saturday, August 13, 2022

Muwaadiniin Soomaali ah oo ku xirnaa Jasiiradda Seychelles oo la sii daayay

Seychelles (Halqaran.com) – Maxkamadda Sare ee dalka Seychelles ayaa waxay sii daayeen 5 dhallinyaro Soomaali ah, kadib markii lagu waayey wax caddaymo dhamaystiran oo muujinaya inay Burcad baddeed yihiin.

Wakaaladda Wararka dalkaasi Seychelles News Agency oo aan Warkan ka soo xiganay ayaa lagu muujiyey in Xeer beegtida Maxkamadda Sare ay sheegeen in markii Dhallinyarada Soomaalida laga soo qabanayey Badda aanan lagu helin iyagoo faraha kula jira wax sharci-darro ah, isla markaana aysan wadanin wax Hub sharci darro ah.

Shanta Dhallinyaro ayaa la sii daayey, isla markii ay Maxkamadda Sare ee Sisihilis shalay ku dhawaaqday inaysan wax Dembi ah gelin Ragga Soomaalida ee lagu soo eedeeyey falal Burcad-baddeednimo.

Madaxa Qareenada u doodaysay Dhallinyarada Soomaalida oo lagu magacaabo Joel Frank Camille ayaa sheegay in xaqiiqdii Kooxda Qareenada difaacaysay dhallinyarada la bedelay muddo 3 jeer ah, taasi oo keentay dib-u-dhaca Dhegeysiga Dacwadaasi.

Joel Frank Camille oo ka tirsan Ururka Qareenada Sishisilis waxa kale oo uu tilmaamay inuusan ka war haynin, haddii ay Dhallinyarada Soomaalida ee la sii daayey ay codsan doonaan Magdhow muddadii labada sano ahayd ee ay ku xirnaayeen Xabsiyada Jesiiradda Sishilis.

Dhinaca kale, Xafiiska QM ugu qaabilsan Ka-hortaga Daroogada iyo Dembiyada ee loo soo gaabiyo UNODC  ayaa  waxay haatan  isku duwayaan dhamaan Dukumentiyada lama huraanka si Dhallinyaradaasi dib loogu soo celiyo dalkooda Hooyo ee Soomaaliya.

Dhallinyarada ayaa la sheegay inay xilligan ku joogan Jesiiradda Sishilis ku joogaan sifo ama Xaallad Muhaajiriin oo sharci daro ku jooga dalkaasi.

Dacwadda loo haystay Dhallinyarada la sii daayey waxay bilaabantay bishii September ee sanadkii hore ee 2000, hal sano kadib, markii ay Ciiddanka Badda ee Midowga Europe ee (EUNAVFOR) ka soo qabteen Xeebaha Soomaaliya.

Hawlgalka EU-da ee Soomaaliya ayaa waxay Dhallinyarada Soomaalida u soo gacan-geliyeen Dowladda Sishilis sanadkii 2019-kii, sida uu dhigayo Heshiis Soo-gudbinta Eedeysanayaasha Soomaalida laga soo qabto Badda oo ay kala saxiixdeen Dowladda Sishilis, Midowga Europe, iyagoo taageero ka helayo Xafiiska QM ugu qaabilsan La-dagaalanka Daroogada iyo Dembiyadda ee UNODC.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Ex-Aljazeera journalist voted in as Wajir South MP

By BERTHA OCHOMO Ex Aljazeera journalist has been elected as...

One million people displaced by drought in Somalia, says UN

A historic drought in Somalia has now displaced one...

Uganda, Somalia ink MoU on Defence Cooperation

Somalia and Uganda have signed defence cooperation agreement following...

FAO appeals for over $130M to assist 882,000 people across drought-hit Somalia

By - Mohammed Dhaysane  / AA The UN Food and...

Kenyan presidential candidates in final dash before vote to succeed Kenyatta

Flanked by cheering crowds, the frontrunners in Kenya's presidential...
spot_img

Duqa Muqdisho ‘Cumar Filish’ oo dhagax dhigay dhismaha Buundo muhiim ah

Muqdisho (Halqaran.com) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Sabtida maanta ah dhagax dhigay dib-udhiska Buundada...

DAAWO VIDEO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo dardaaran cajiib ah u diray Shacabka Somaliland

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay mudaaharaadyadii rabshadaha xigay ee Khamiistii ka dhacay qaar ka mid ah Magaalooyinka...

Ex-Aljazeera journalist voted in as Wajir South MP

By BERTHA OCHOMO Ex Aljazeera journalist has been elected as Wajir South member of parliament. Mohammed Adow who was a correspondent of the international media won...