Thursday, April 30, 2026
28.3 C
Mogadishu

Muslimiinta iyo Masiixiyiinta Kenya oo loogu baaqay in ay u midoobaan la dagaallanka Al-Shabaab

Wajeer (Halqaran.com) – Hoggaamiyeyaasha gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya gaar ahaan kuwa Ismaamulka Wajeer ayaa si kulul u Cambaareeyay weerarkii Al-Shabaab 10 qof ee rakaabka ahaa ay ku dileen galabnimadii Jimcaha.

Barasaabka Ismaamulka Wajer Maxamed Cabdi Maxamuud oo booqday meydadka dadkaan oo la dhigay isbitaalka qeybta shanaad ee magaalada Wajeer ayaa tacsi u diray ehelada Asxaabta iyo saaxiibada ay ka baxeen dadkaan.

Dhanka kale, Maxamed Cabdi Maxamuud ayaa balanqaaday in dowladda dhexe ee Kenya uu kala shaqeyn doono la dagaallanka kooxaha argagixisada gaar ahaan Al-Shabaab.

Xildhibaanka degmada Ceel-dhaas ee dhacda waqooyiga Wajeer mudane Aadan Wehliye Keynaan ayaa isna ku tilmaamay ficilka Al-Shabaab mid aan shaqo ku laheyn Islaanimada iyo bani Aadanimada.

Xildhibaanka ayaa intaa raaciyay in Al-Shabaab kaliya ay doonayaan in dagaal ay ka dhax abuuraan Muslimiinta iyo Masiixiyiinta Kenya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...