Thursday, April 30, 2026
28.3 C
Mogadishu

Madaxweynaha Somaliland oo Faah-faahin ka bixiyay Khasaarihii ka dhashay Roobab dabeylo wata

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa faah-faahin ka bixiyay roobab dabeylo wata oo Saacaddihii lasoo dhaafay ka da’ay deegaanada maamulka Somaliland.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Khasaare Nafeed iyo mid Hantiyadeed ay sababeen roobabka ka socda degaanada maamulka Somaliland, islamarkaana ay waddaan gurmadyo kala duwan.

Waxaa uu xaqiijiyay dhimashadda hal qof oo ku dhintay gobolka Sanaag, waxaana uu sheegay in sidoo kale jiraan Wadooyin burburay.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu guud ahaanba bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha biyo mareenka ah, si ay badqabkooda u sugaan, isaga oo wadayaasha gaadiidkana faray inay ka feejignaadaan dhibka roobabka.

Degaano ka tirsan maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ka da’ay roobab mahiigaan dabeylo watay, kaasoo saababay daadad xooggan oo ku soo rogmaday qaar ka mid ah waddooyinka waa weyn ee deegannada maamuladaasi, taasi oo sababtay in uu hakad galo isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...