Thursday, April 30, 2026
32.9 C
Mogadishu

Muqdisho: Hotel Afrik oo la weeraray iyo rasaas ka socota gudihiisa

Muqdisho (Halqaran.com) – Qarax xooggan ayaa ka dhacay Muqdisho gaar ahaan meel u dhow Hotel Afrik oo ku yaalla Waddada Aada Garoonka Diyaaraddaha Aadan Cadde ee Caasimadda Muqdisho, kaddib markii kooxo hubeysan ay weerareen.

Wararka ayaa sheegaya, in qaraxan uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse si dhab ah looga oga inta uu la egyahay khasaaraha.

Kooxo hubeysan ayaa ka dhex-dagaallamaya weli gudaha hotel Afrik ee magaalada Muqdisho, kadib markii Qaraxyo ismiidaamin ah ay ka dhaceen Afaafka hore ee Hoteelka.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ayaa gaaray goobta, waxaana ay bilaabeen in ay la dagaallamaan kooxda weerartay Hoteelka.

Sidoo kale warakaa ayaa sheegaya inuu jiro Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay weerarkan ismiidaaminta ah. waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka waxyeelada gaartay

Waxaa weli gudaha hotel Afrik laga maqlayaa rasaas iyo bambaanooyin ka dhacaya gudaha Hotelka ee Weerarka lagu qaaday.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Halqaran.com Insha allaah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...