Friday, May 22, 2026
26.6 C
Mogadishu

Muhaajiriin oo ay Soomaali ka mid tahay oo laga soo badbaadiyay Badda

Rome (Halqaran.com) – In ka badan 1,200 oo muhaajiriin ah oo aan heysan wax sharci ah ayaa saacadihii ugu dambeeyay gaaray dalka Talyaaniga, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Muhaajiriintan oo ka kala yimid dalal dhowr ah oo ku yaalla Asia, Afrika iyo Bariga Dhexe, ayaa ka degay dekado ku yaalla xeebaha Sicily.

Mas’uuliyiinta waxay sheegeen in 674 qof laga soo badbaadiyay xeebaha Calabria halka ay badda kasoo saareen 5 meyd ah.

Muhaajiriinta ayaa ku safrayay mid kamid ah doomaha kalluumeysiga taas oo la saaray dadka ka badan xaddiggii loogu talagalay.

Dadkan la soo badbaadiyay waxay kamid ah tahriibayaal ka soo jeedo Soomaaliya. Afghanistaan, Suudaan iyo Itoobiya.

Sidoo kale, waxaa xeebaha Lampadusa sabtidii la geeyay dad gaaraya 552 qof oo laga soo badbaadiyay ilaa 15 doomood.

Si kastaba, doomahan ayaa ka soo dhaqaaqay xeebaha dalalka Tunisia iyo Libya, Lampadusa waxaa ku taalla mid kamid dekedaha ugu muhiimsan ay kasoo degaan dadka isku dayaya inay galaan Yurub.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...