Sunday, December 14, 2025
25.5 C
Mogadishu

Isbaheysi ka dhan ah Madaxweyne Lafta-gareen oo looga dhawaaqay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa Caasimadda Muqdisho Sabtidii maanta ah looga dhawaaqay Isbaheysi siyaasadeed oo loogu magac daray Golaha Samata-bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya, kadib kulan ay yeesheen siyaasiyiin iyo dhallinyaro farabadan oo kasoo jeeda Maamulkaas.

Isbaheysigaan oo ka dhan ah Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa waxaa ku mideysan Madax hore, Xildhibaano hore, Siyaasiyiin iyo dhalinyaro, kuwaasi oo qaarkood ku jiraan xubno siyaasiyiin ah oo loo soo diiday kuraas Xildhibaanimo.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Golaha shacabka Muudeey, Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed Shariif Xasan, Sii-hayaha xilka Wasiirka Haweenka Soomaaliya Xaniifa Xaabade iyo xubno kale oo farabadan ayaa kasoo muuqday Madasha lagu dhawaaqay.

Siyaasiyiinta ku jira Isbaheysiga looga horjeedo Madaxweyne Lafta-gareen oo kulanka ku dhawaaqdista Isbaheysiga ka hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in muddo xileedka Lafta-gareen ay ku egtahay dhammaadka sanadkaan, balse isago waxa uu ku doodayaa in sanadka dambe dhamaadkiisa uu xilkiisa ku egyahay.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta ku jira madasha ayaa waxaa kuraas Xildhibaanimo kasoo waayay dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana kamid ah Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Jawaari, Guddoomiye Muudey, Shariif Xasan, Xaniifa Xaabade iyo xubno kale.

Isku soo wada duub, ku dhawaaqista Isbaheysigan cusub ee loogu magac daray Golaha Samata-bixinta Koofur Galbeed ayaa ku soo beegmay, iyada oo Maanta uu dib ugu soo laabtay Muqdisho Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...