Sunday, March 15, 2026
28.3 C
Mogadishu

Midowga Yurub oo ku heshiiyay in cuna-qabateyn dhanka Saliidda ah lagu soo rogo Ruushka

Brussels (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa ku dhawaaqday in wadamada Midowga Yurub ay ku heshiiyeen shir madaxeedka Midowga Yurub ee Brussels in cuna-qabatayn dhanka saliida ah lagu soo rogo Ruushka, sababo la xiriira dagaalka uu ku hayo dalka Ukraine.

“Waxaan soo dhaweynayaa heshiiska EUCO ee ku saabsan cunaqabateynta shidaalka ee ka dhanka ah Ruushka. Tani waxay si wax ku ool ah u dhimi doontaa qiyaastii 90% saliidda laga keeno Ruushka ee la keeno Midowga Yurub dhamaadka sanadka, ”von der Leyen ayaa ku tiri barteeda Twitter-ka.

Guddoomiyaha golaha Midowga Yurub Charles Michel ayaa sidoo kale dhankiisa ka hadlay tallaabadan.

“Heshiiska lagu mamnuucay dhoofinta saliidda Ruushka ee Midowga Yurub. Tani waxay isla markiiba dabooshaa in ka badan 2/3 ee saliidda laga keeno Ruushka, iyada oo jaraysa ilo dhaqaale oo weyn oo loogu talagalay mishiinkeeda dagaalka. Cadaadiska ugu badan ee Ruushka lagu saarayo inuu joojiyo dagaalka,” ayuu ku yiri bartiisa twitter-ka.

Hindisaha oo ay soo diyaariyeen komishanka Yurub muddo bil laga joogo ayaa waxaa ka mid ahaa in muddo lix bilood ah lagu joojiyo saliida ceyriinka ah ee ka imanaysa Ruushka iyo keenista badeecooyinka sifaysan dhamaadka sanadka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...