Thursday, June 25, 2026
25.4 C
Mogadishu

Midowga Afrika oo baaq deg-deg ah ka soo saaray dagaalka ka socda gobolka Tigreyga

Muqdisho (Halqaran.com) – Midowga Afrika ayaa ku baaqay in xabad joojin looga dhawaaqo gobolka Tigreyga halkaas oo ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka ku dagaallamayay muddo ku dhaw toddobaad.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamayo Itoobiya in wadahadal lagu soo afjaro colaadda.

Wuxuu sheegay in Midowga Afrika uu diyaar yahay dadaallo kasta oo lagu xallinayo khilaafka.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa waxay ku warrantay in ciidamada federaalka ay qabsadeen garoonka diyaaradaha ee ku yaalla magaalada waqooyiga dhacda ee Humera iyo sidoo kale waddada aada dhinac xadka Suudaan.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed wuxuu sheegay in howgalka militeri uu usii socon doono qaabkii loo qorsheeyey tan iyo inta hub ka dhigis looga sameynayo dagaalyahanada daacadda u ah TPLF.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...