Saturday, May 30, 2026
28 C
Mogadishu

Mid ka mid ah Ilaalada qaaska ah ee Duqa Muqdisho oo la Dilay

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa warar dheeraad ah ka soo baxaya mid kamid ah Ciidanka Ilaalada dharcadka ah ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish oo lagu dilay qeyb kamid ah degmada Xamar-jajab ee Gobolka.

Goobjoogayaal ayaa weriyaha HalQaran News ee Muqdisho u sheegay, in Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya uu rasaas ku furay Xuseen Abuukar Nuur oo kamid ahaa Ciidanka Ilaalada Guddoomiyaha Gobolkaan Banaadir.

Marxuum Xuseen Abuukar ayaa xiligii la dilayay waxaa uu marayay afaafka hore ee Dekada weyn ee Magaalada Muqdisho, isla markaana waxaa la xaqiijiyay inuu u geeriyooday rasaas uu ku furay Askari Booliska ee dowladda Federaalka.

Ciidamo Boolis ayaa goobta uu falku ka dhacay ka qaaday Meydka Maruum Xuseen Abuukar Nuur.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish oo uu uga hadlayo dilka loo geystay mid kamid ah ilaaladiisa.

Waxaa Caasimaddda Muqdisho kusoo badanaya dilalka Askarta ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda ay u geysanayaan dadka shacabka iyo Ciidanka kale ee isla dowladda ka tirsan, mana jiro wax laamaha ammaanka ka qabtaan dilalkaan sii kordhaya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...