Thursday, July 16, 2026
25.5 C
Mogadishu

Madaxweyne Xasan iyo RW Rooble oo ka qeybgalay Salaadda Janaasada Marxuum C/llahi Shirwac

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayeen RW & Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa Masjidka Isbahaysiga Islaamka uga qeyb galay Salaadda Janaasada Alle ha u naxariisto Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo xalay ku geeriyoodey magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Marxuumku uu ahaa Samafale si mutadawacnimo leh ugu soo adeegay dadkiisa iyo dalkiisa, isagoo xusay in uu door weyn ka soo qaatay nabadeynta bulshada, midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Shirwac, waxa uu ahaa Muwaadin waqtigiisa u huray xoojinta dowladnimada, nabadeynta iyo caawinta dadka Soomaaliyeed, isaga oo aqoontiisii iyo waayo aragnimadiisii ku bixiyey horumarinta arrimaha bulshada”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...