Saturday, April 18, 2026
28 C
Mogadishu

Meydka nin la dilay oo la soo dhigay waddada Soddonka ee Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Meydka qof rag ah ayaa Sabtida Saaka ah lagu arkay qeybo ka mid ah waddada Soddonka, gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoysyada Baar Ubax iyo Black Sea ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay, in si xun loo dilay marxuumkaasi, jirkiisana ay ka muuqdeen dhaawacyo halis ah, waxaana la sheegay in dilkiisa loo adeegsaday Toorey ama Mindi.

Wararka ayaa sheegaya, in qofka la dilay oo ahaa qof rag ah aan weli la qoonsan, waxaana meydkaasi la wareegay ciidamada booliska, iyadoona wararka qaar ay sheegayaan in loo qaaday dhanka Xarunta CID-da.

Sidoo kale, ciidanka booliska ayaa waxay xireen waddooyinka soo gala goobta Meydka la soo dhigay, sidoo kalena waxa ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo baaritaano ah.

Ilaa iyo hadda lama oga cidda ka dambeysay dilka marxuumka oo meydkiisa saaka lagu arkay waddada Socodka ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...