Friday, May 1, 2026
27 C
Mogadishu

Mesut Ozil oo deeq afurin ah ugu deeqay Qoysaska danta yar ee Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Laacibkan ayaa kafaale qaaday afurinta 16,000 oo qof bisha Ramadaan, kuwaas oo ka kooban 2,000 qoys oo Suuriyaan iyo Turkish ah. Dhanka kale Mascuud Ozil ayaa 90,000 oo raashin Af-fur ah ugu deeqay Soomaaliya, taasi oo lagu qaybin doono magaalada Muqdisho, waxaanu lacagta ka baxaysa oo caddadkeedu dhan yahay £80,000 uu gacanta ka saaray Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga.

Madaxa Bisha Cas ee Turkiga ayaa wargeyska Daily Sabah ee kasoo baxa waddankaas u sheegay in sannadka oo dhan ay quudiyaan dadka baahan, waxaanu u mahadceliyey muxsiniinta sadaqada ugu tabaruca ee la socda shaqadooda.

Kerem Kinik waxa uu yidhi: “Bisha Cas ahaan, waxaanu garab taaganahay kuwa baahan 365-ka maalmood ee sannadka. Dabcan, waxa aanu taakuladan uga mahadcelinaynaa qaadhaan bixiyeyaasha saaxiibada ah ee nala shaqeeya.

Ozil ayaa hore ula shaqeeyey hay’adda Bisha Cas ee Turkiga, iyadoo markii uu guursaday uu u dhiibay lacago lagu quudiyo qoysaska baahan.

Xiddigan caalamiga ah ee xulka qaranka Germany oo asal ahaan kasoo jeeda Turkey, waxa sannadkii uu sadaqo ku bixiyaa lacag lagu qiyaasay £2 milyan.

Ozil ayaa dhowaan iska diiday inuu ogolaado in Arsenal ay mushaharkiisa ka jarto lacag dhan 12.5 boqolkiiba oo ay ciyaartoyda kale ee kooxdu ogolaadeen, hase yeeshee waxa muuqata in lacagtiisa uu u adeegsanayo bixinta qaadhaan Diinta Islaamku jidaysay oo uu Allah ugu dhowaanayo.

Xigasho – BBC

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...