Sunday, April 19, 2026
29.5 C
Mogadishu

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukun dil ah ku riday Askar

Doolow (Halqaran.com) – Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa Isniinta maanta ah xukuno kala duwan ku riday Afar Askari oo katirsan Ciidamada xoogga iyo Nabad-sugida Soomaaliya.

Askartan ayaa lagu soo warramayaa in lagu helay dil iyo inay dhac ka geysteen degmada Doolow ee Gobolka gedo.

Dable Nisa Bukhaari Axmed Maxamuud iyo Dable Xooga Salmaan ibraahin Shire Weelfuratey ayaa lagu xukumey dil toogasho ah, halka Dubad Axmed Xuseen Cilmi lagu xukumey Sadddex sano oo xarig ah & Sharmaake Muxumed Cali oo lagu xukumey hal sano oo xabsi ah.

Guddoomiyaha Maxkamada qeybta 27aad ee Ciidamada qalabka sida Gashaanle Maxamed Amiin Cabdulle ayaa sheegay in kadib markii lagu helay ragaan cadeynta dambiyada lagu soo eedeeyay xukunka lagu riday, isla markaana ay heystaan muddo 30 Cisho ah inay racfaan ka qaataan xukunka.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 27ad ayaa horey dhowr jeer waxa ay xukuno dil toogasho iyo xabsi ah ku riday askar kala duwan oo lagu eedeeyay dil iyo dhac.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...