Sunday, May 3, 2026
32.9 C
Mogadishu

Maxay u sheegeen madaxweyne ku xigeenka Jubbaland iyo Wasiir Janan ciidamadii ay kula hadleen BeledXaawo? +SAWIRRO

BeledXaawo (Halqaran.com) – Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan iyo Wasiirka Amniga Maamulkaasi Cabdirashiid Janan, ayaa ciidamo kula hadlay duleedka Magaalada BeledXaawo.

Magaalada Beled Xaawo qayb ka mid ah waxaa ku sugan Ciidamada Militariga dowladda Federalka Soomaaliya, halka qaybta kalena ay ku sugan yihiin Ciidamada Daraawiishta Jubbaland.

Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa uga digay Ciidanka Daraawiishta Jubbaland inay ka digtoonaadaan colaada dowladda Federalka Somaliya ay ka wado Gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay xayiraad uu sheegay dowladd Soomaaliya inay saartay shacabka Gobolka Gedo, arrintaasina wuxuu ku tilmaamay mid aanan wanaagsaneyn in shacabka la cunaqabateeyo.

Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa dhankiisa ku ammaanay Ciidamada Jubbaland sida geesinimada leh, ee ay ugu taagan yihiin difaaca deeganadooda.

Ugu dambeyn, Cabdirashiid Janan ayaa waxa uu kula dardaarmay ciidamada inay iska ilaaliyaan dhexdooda in laga dhex faa’iideysto oo la iska horkeeno.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...