Sunday, May 3, 2026
29.6 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Golaha Aqalka sare ee BF Somaliya oo Ansixiyay sharciga doorashooyinka Qaranka

Muqdisho (Halqaran.com) – Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Sabtidii maanta ansixiyay Sharciga Doorashooyinka Qaranka, ka dib kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Kulanka 35aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare oo uu shir guddoominayay Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayuu ajandihiisu ahaa akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka.

Guddomiyaha Guddiga Kumeel Gaarka ee Ka-baraandegista Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ayaa ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare warbixinta akhrinta 3aad ee Hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka.

Senatorada Golaha Aqalka Sare ayaa codka u qaaday Hindise Sharciyeedkan, waxaana haa ugu codeysay 27 Senator, iyadoo ay 6 diiday, mana jirin cid ka aamustay.

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaana ku dhawaaqay in goluhu uu cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa la xusuustaa inay Sharciga Doorashooyinka Qaranka meelmariyeen 28-kii bishii December ee sanadkii 2019.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...