25.9 C
Mogadishu
Wednesday, August 10, 2022

Maxay ku muteesteen Billad sharaftii la guddoonsiisay ilaalada gaarka ah ee Q.M xafiiskeeda Soomaaliya?

Muqdisho (Halqaran.com) – Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa abaalmarin iyo billad sharafba guddoonsiiyay askarta ilaalada gaarka ah ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo loo yaqaanno UNGU.

Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Ciidamada ilaalada gaarka ah ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinta Qaramada Midoobay ee shaqada gaarka ah.

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo billad sharafta bixinayay ayaa amaanay wadashaqeynta aadka u wanaagsan ee ka dhaxeysa ilaalada gaarka ah ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo ciidamada howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

James Swan ayaa intaasi ku daray in wadashaqeynta ciidamada uu wax badan ka badalay ammaanka Soomaaliya.

Taliya xigeenka ciidamada nabad ilaalinta AMISOM James Lakara ayaa ciidamada ku amaanaya sida ay waajibkooda u gudanayaan iyada oo ay jiraan caqabado badan.

Ciidanka ilaalada gaarka ah ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ilaaliya shaqaalaha rayidka ah, qalabka iyo xarumaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Uganda, Somalia ink MoU on Defence Cooperation

Somalia and Uganda have signed defence cooperation agreement following...

FAO appeals for over $130M to assist 882,000 people across drought-hit Somalia

By - Mohammed Dhaysane  / AA The UN Food and...

Kenyan presidential candidates in final dash before vote to succeed Kenyatta

Flanked by cheering crowds, the frontrunners in Kenya's presidential...

Somalia backs China over US, reaffirms its supports for one-China policy

Somali government has expressed its support for China’s sovereignty,...

Over 800 Al-Shabab’s Militants Killed Including 24 Top Leaders

More than 800 militants of the terrorist al-Shabab group...
spot_img

Guddoomiye Sh. Aadan Madoobe oo guddi u saaray fowdadii ka dhacaday Golaha Shacabka

Muqdisho (Halqaran.com) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa magacaabay Guddi KMG ah oo kasoo talabixiya dhacdadii 07/08/2022 ka dhacday...

Mahdi Guuleed oo xilka ku wareejiyay R/Wasaare Ku xigeenka cusub ee dalka

Muqdisho (Halqaran.com) - Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Dalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xilka kala wareegay Ra’iisal Wasaare Kuxigeenkii hore ee xukuumadda, Mahdi Maxamed Khadar...

Mareykanka oo Ukraine ugu yaboohaya hub uu qiimihiisu gaarayo hal bilyan oo dollar

Washington (Halqaran.com) - Dowladda Mareykanka ayaa ballanqaaday taageero dheeri ah oo militari inay siin doonto Ukraine, si dowladda dalkaasi ay isaga caabiso duulaanka Ruushka. Hubkan...