Baydhabo: Wakiilka Q.M ee Somaliya James Swan iyo C/casiis Lafta-gareen oo arrimo muhiim ah ka wadahadlay

Baydhabo (Halqaran.com) – Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya ahna Madaxa UNSOM James Swan ayaa Khamiistii maanta soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Mr. Swan ayaa markii uu halkaasi gaaray kulan la qaatay Hoggaamiyaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Labada masuul ayaa ka wada hadlay arimaha gargaarka, ammaanka iyo horumarka dhaqaalaha Koonfur Galbeed iyo Sidii Qaramada Midoobay ay kaalinteeda uga geysan lahayd arrimimaha sida gaarka ah u taabanaya Koonfur Galbeed.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxa uu ballanqaaday inay wax ka qabanayaan Xaaladaha ka jira Koonfur Galbeed si dhowna ay ula shaqayn doonaan maamulka uu Hoggaamiyo Laftagareen.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa dhankiisa wafdiga uga mahadceliyey booqashada Baydhabo, isagoo ku nuuxnuuxsaday in waxyabihii ay ka wada hadleen oo idil la isku afgartay.

James Swan ayaa tan iyo markii uu dhawaan la wareegay shaqada xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa uu waday safarro uu ku kala bixinayo maamul goboleedyada dalka isaga oo booqday Kismaayo, Jowhar iyo Garoowe oo kulamo lasoo yeeshay hoggaamiyeyaashooda.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.comĀ