Sunday, March 15, 2026
29.4 C
Mogadishu

XOG: Digniin culus oo loo jeediyay gaadiidlayda magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliska ciidamada booliska Soomaaliya ayaa gaadiidleyda gobolka Banaadir u diray digniin, talisku uu u diiday in ay gaadiidka dhigtaan hareeraha waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ay barteeda bulshada soo dhigtay afhyaeenka ciidamada booliska janaraal Zakiya Xuseen ayaa dadweynaha ku dhaqan gobolka Banaadir lagu faray in ay ka feejignaadaan goobta ay dhigayaan gaadiidkooda.

“Laga billaabo Maanta oo ay Taariikhdu tahay 18/7/2019-ka,hareeraha Waddooyinka muhiimka ah ee Gobolka Banaadir laga mamnuucay dhigista Baabuurta” ayay tiri Zakiya.

Gaadiidleyda ayuu talisku ku wargeliyay in ciddii iska dhaga tirta digniinta ee dhigta gaadiidkeeda meel aan ku habbooneyn  la la wareegi doono tallaabana laga qaadi doono.

Dadweynaha gobolka ayuu talisku ugu baaqay in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka kuna soo wargeliyaan haddii ay arkaan baabuur ay ka shakiyaan si looga hortago dhibaatada ka hor inta aanay halis galinin nolosha bulshada.

Laamaha ammaanka ayaa bilihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho ka waday howlo lagu sugayo ammaanka caasimadda iyada oo la arkayay ciidamada  magaalada ka samaystay baro koontorool oo ay ku baaraan gaadiidka gaarka loo leeyahay.

Waxaa laga dareemayaa magaalada Muqdisho xasillooni, iyada oo ay aad u yaraadeen falalkii u badnaa qaraxyada ee Al-Shabaab ay la beegsan jirtay goobaha muhiimka ah sida hoteelada iyo wasaaradaha.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...