Friday, June 19, 2026
26.9 C
Mogadishu

Maxay kawada hadleen Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo ku kulmay Boosaaso?

Boosaaso (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Sabtidii maanta qaabilay Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku tagay Boosaaso.

Siciid Cabdullaahi Deni iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, ayaa kawada hadlay arrimo ay ka midyihiin xiriirka Mareykanka iyo Puntland, la dagaallanka argagixisada, xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, dhaqaalaha iyo deyn cafinta Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay taageero dhanka Horumarinta ay siin doonto maamulka Puntland.

Sidoo kale, Safiirka ayaa sheegay in loo baahan yahay in dib loo soo celiyo xiriirkii dowladda dhexe  iyo maamulka Puntland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...