Friday, June 19, 2026
26.9 C
Mogadishu

DAAWO VIDEO: Sheekh Daaci reer Falastiin ah oo geerida u timid isaga oo leh ‘Laa Ilaaha Illalaah‘

Kuwait (Halqaran.com) – Sheekhii Daaciga ahaa ee reer Falastiin Al-Xaaji Maxmuud Cabdul Baaqi (Abuu Khadaab) ayaa si lama filaan ah dalka Kuwait ugu geeriyooday xilli uu khudbad ka jeedinayey xaflad Aroos ah. waxayna da’diisu aheyd 83 sano.

Muuqaal muujinaya daqiiqadda ay nafta ka baxeysay Sheekhii Daaciga ahaa ayaa si weyn loogu faafiyay baraha Bulshada xilli uu ku dhawaaqayey kalmadda ‘Laa Ilaaha Ilalaah‘ ka hor inta uusan neefsan neeftii ugu dambeysay ee noloshiisa.

Sheekha ayaa dhintay xilli uu khudbad diini ah u jeedinayey koox dhallinyaro ah oo ka qeyb galeysay Xafladda Arooska, wuxuuna kula dardaaramayey inay dhallinyarada noloshooda dhan walba uga daydaan Rasuulkeena Muxamed Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee.

Sheekha ayaa marayey gabagabada wacdigiisa, wuxuuna kusoo xirayey Kalimada ‘Laa Ilaaha Illalahaa‘ wuxuuna markaas kadib qaatay neeftii ugu dambeysay noloshiisa, sidaasi ayuuna ku dhintay. Allaha U Naxariisto Sheekha.

Halka hoose ka daawo Muuqaalka Sheekhii Daaciga ahaa isagoo khudbeynaya geeriyooday:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...