Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa Sabtida maanta ah hoygiisa Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. James Swan.
Kulanka ayaa looga wada hadley dhamaystirka doorashada inta ka dhiman iyo sidii ay jawi xasilloon ugu soo geba gaboobi lahayd.
Wakiilka Xoghayaya Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaar u la tahay inay Guddoomiyaha ka gacan siiyaan sidii howshaasi si guul ah ugu soo dhamaan lahayd.
Mr. Swan ayaa waxa uu ku bogaadiyay magacaabista degdega ah ee guddiga qabanqaabada doorashada Madaxweynaha iyo ku dhawaaqista in la qabanayo doorashada 15-ka Maajo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





