Tuesday, May 26, 2026
26.2 C
Mogadishu

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire James Swan?..

Muqdisho(Halqaran.com) –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Danjire James Swan ayaa diiradda waxaa lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin Siyaasadda, Ammaanka iyo Arrimaha Bini’aadamnimo ee dalka ka jira iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay Abaartu saameysay kuwaas oo ku nool deegaannada kala duwan.

Ergeyga gaarka ah  ayaa sheegay “In Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay in ay dowladda Soomaaliya gacan ka siiyaan barnaamijyada hortabinta u leh qorshaha xukuumadda Dan Qaran.” Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa wada kulamo uu la yeelanaya wakiillada Beesha Caalamka, kuwaas oo fadhigoodu yahay Muqdisho, isaga oo kala hadlay sidii Dowladda Soomaaliya ay taageero ugu fidi lahaayeen Arrimaha Amniga iyo Bini’aadaniimada xill Goballada Dalka ay ka bilowdayn dagaal ka dhan ah  Kooxda Al-Shabaab.

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan ayaa isaga qudhiisa waxa uu kulamo kala duwan la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ay ka wada hadlayn Arrimo ay ka mid Bini’aadannimada iyo sidii Qaramada Midoobay uga qeyb qaadan lahayd gurmadka loogu jiro dadka ay Abaartu saamaysay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobay garab istaaga ay mar kasta la garab taagan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...