Baydhabo(Halqaran.com) – Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka Koonfur Galbeed ayaa Al-shabaab waxaa ay kala wareegeen deegaanno hoostaga magaalada Baydhabo, kuwaas oo muddooyinkii dambe ay ku sugnaayeen kooxda Al-shabaab.
Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo tebisay howlgallo maanta laga sameeyay gobolka Bay ayaa sheegtay in uu ciidanku ku wajahan yahay deegaanka Labaatan-jirow oo uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee ay Al.-Shabaab ku leedahay gobolkaas.
La-wareegistaas ayaa qeyb ka ah howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ka wadaan gobollada qaar.
Warbaahinta dowladda ayaa baahisay halka ay ku kala yaallaan deegaannadii ugu dambeeyay ee lala wareegay,waxaxna ka mid ah Baayale, Caliyow Dooyow, Xaawa Dhaaysile, Boorame, Karanoy, Daawuudow, Saydheelow, Buulo-jadiid, Mataani, Uusli iyo Busley.
Ciidanka dowladda iyo iyo kuwa deegaanka ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay ka wadaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya, ciidanka ayaa horey 48 saac ee ugu dambeysay waxaa ay la wareegeen deegaanno dhowr ah oo ay Al-shabaab ku sugnaayeen sanadihii lasoo dhaafay.
Militeriga Soomaaliya oo kaashanaya maleeshiyo maxalli ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday howlgallo Al-Shabaab looga saarayo deegaanno ku yaalla Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur-galbeed.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





