Tuesday, May 26, 2026
26.2 C
Mogadishu

Gaddomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeete Cusmaan Oo gaaray Degmada Buq Aqable.

Buq Aqable(Halqaran.com) –Wararka ka imaanaya  Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada xogga dalka oo kaashanaayo Ciidamada dib u xureeynta deegaanka ay si rasmi ah ula wareegeen Degmada Buq Aqable oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan  Kooxda Al-Shabaab.
Wasaaradda Amniga Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in Xoreynta Al-Shabaab ee Degmada Buq Aqable ay ka dhigan tahay in ay gacantooda kabaxday magaalo weyn oo muhiim u aheyd jiritaan Al-Shabaab.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan oo ay wehliyeen Xildhibaano iyo wasiiro ka’tirsan Hirshabelle Gudoomiye ku-xigeenka Koowad ee siyaadda iyo maaliyada Gobalka Hiiraan Abuukar Cabdullahi Maadey iyo odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan ayaa Ciidamada dib u xoreynta degaannada Gobalka Hiiraan ee ka barbar dagaalamayo Ciidamada Qalabka sida ku booriyey inay laba jibaaraan dadaalka ay bixinayaan iyo sida aay u xaqiijiyeen Abaabulkii xiliga adag aay ku bilaabeen oo aay isaga xureeynayeen Al-Shabaab.
Ugu dambeyntii Gobollada Baay, Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud aya waxaa ka soconayo dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana howlgalladaas qayb ka ah maleeshiyaadka Macawiisleyda.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...