Friday, May 1, 2026
28.4 C
Mogadishu

Maxay aheyd Sababtii loo hakiyay duulimaadyadii aadi jiray magaalooyinka Kismaayo & Baydhabo?

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa Arbacadii maanta hakisay duulimaadyadii aadi jiray magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo.

Wax diyaarad ah ma jirin maanta oo u baxay labadaasi Magaalo, waxaana wararka ay intaasi ku darayaan in Garoonka Aadan Cadde lagu daadiyay ciidan badan oo dhar cad.

Dowladda Soomaaliya ayaa raadinaysa Wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo ka baxsaday xabsi ay Maamusho dowladda Federalka Soomaaliya.

Waxaa jira shaki ah in Cabdirashiid Janan uu doonaayo inuu ka dhoofo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, sidaasina ay tahay sababta duulimaadyada loo hakiyay.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay subixii Arbacada maanta illaa iyo galabta in Ciidamo dhar cad ah Garoonka ay buuxaan oo si adag loo Koontaroolayo dadka Garoonka ka dhoofayo.

Si kastaba, wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland Cabdi rashiid Janan, ayaanan illaa iyo hadda la haynin raq iyo ruux halka uu ka baxay, iyadoo Jubbaland ay soo saartay walaac wayn inay ka qabto nolosha Wasiirkaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...