Gaalkacyo (Halqaran.com) – Waxaa maanta markii ugu horreysay magaalada Gaalkacyo ku kulmay xildhibaanno ka kala tirsan Baarlamaannada maamullada Galmudug iyo Puntland, kaddib xiriirka wanaagsan ee labada maamul u billowday.
Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Puntland, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Xildhibaano kale oo la socday ayaa Koonfurta Gaalkacyo kaga qaybgalay casuumaad uu u fidiyay Baarlamaanka Galmudug.
Ujeedada kulanka ayaa ahaa isbarasho, wada shaqaynta labada baarlamaan iyo in la iska kaashado isdhexgalka labada bulsho ee ku wada dhaqan Xarunta Gobolka Mudug.
Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan ayaa Baarlamaanka Galmudug kaga mahadceliyay casuumaadoodaan quruxda badan.
Waxayna labada dhinac isku waafaqeen in la xoojiyo xiriirka iskaashi ee labada maamul yeesheen, ka dib weerarkii ismiidaaminta ahaa ee 17-kii bishii May lagu dilay Allaha u naxariistee Gudoomiyihii Gobolka Mudug ee qaybta Puntland, Axmed Muuse Nuur.
Ismiidaaminta lagu dilay guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug ee qeybta Puntland ayaa ka dhacday Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.
Maamullada Galmudug iyo Puntland, ayaa labada dhinac dardargelinaya howlgallada ka dhanka ah xubnaha lala xiriirinayo Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com









