Friday, June 5, 2026
26.7 C
Mogadishu

Maxaa ka soo baxay kulanka Xukuumadda Somaliland iyo Madaxda Odayaasha Dhaqanka?

Hargeysa (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa kulan kula qaatay Madax dhaqameedka Somaliland Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Magaalada Hargeysa.

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxaa lagu sheegay in ujeedada ugu wayn ee kulanka ay ahayd ka wada shaqaynta arrimaha nabadgelyada iyo sidii dhinac looga soo wada jeesan lahaa cidkasta oo wax yeelaynaysa nabadgelyada Somaliland.

Wasiirka ayaa Madax-dhaqameedka la wadaagay dhibaatadii ka dhalatay bannaanbaxyadii ay sameeyeen Xisbiyada Mucaaradka ah maalintii Khamiista, taasoo dhibaato loogu geystey Ciidamadii Booliska ee ilaalinaya nabadgelyada, iyada oo ay jirtay in dadkii bannaabaxayay badi dhibaato loo geystay.

Madaxdhaqameedka ayaa dhinacooda sheegay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay Wasaaradda Arimaha Gudaha kala shaqeeyaan adkaynta nabadgelyada, iyada oo dhinac la iska wada taagayo waxkasta oo nabada  Somaliland wax u dhimaya iyo guud ahaan wada jirka bulshada.

Xukuumadda Somalilnd iyo Xisbiyada mucaaradka ayaa midba midka kale ku eedeynaya in uu mas’uul ka yahay dhibaatadii ka dhalatay bannaanbaxyada, iyada oo ay xusid mudan tahay inay dad ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...