Friday, April 17, 2026
27.8 C
Mogadishu

Maxaa ka ogtahay Ujeedka rasmiga ah ee Duqa magaalada Nairobi Xabsi loo dhigay?

Nairobi (Halqaran.com) – Duqa magaalada Nairobi Mike Mbuvi Sonko ayaa xabsiga la dhigay, kaddib markii uu dacwad oogaha guud ee Kenya soo saaray warqad lagu soo xiray.

Booliska ayaa siyaasigan kasoo qabtay magaalada Voi, halkaasoo uu booqasho ku joogay.

Dacwad oogaha guud, Nuuradiin Xaaji ayaa sheegay in Mr Sonko su’aalo laga weydiin doono halka ay ku maqan tahay lacag badan oo qeyb ka ahayd dhaqaalihii loogu talagalay ismaamulka Nairobi.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in xafiiskiisa uu hayo caddeymo ku filan.

Dhanka kale Xaaji ayaa booliska amar ku siiyay inay ka hor tagaan wax walba oo caqabad ku noqon kara baaritaanna la xiriira arrintan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...