Friday, March 6, 2026
30.9 C
Mogadishu

DAAWO VIDEO: Sheekh Umal ‘‘Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Alle ha u Towbad keeno”!

Nairobi (Halqaran.com) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah Culima’udiinka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ka hadlay hadalkii doodda badan dhaliyay ee ka soo yeeray Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo wax laga weydiiyay hadalka Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa waxaa uu ku eedeeyay in uu inkiray Xadiis ka sugnaaday Nebiga (NNKH).

Waxaa uu sheegay in Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir uu Xadiiska Nebiga u dafiray si uu ugu gaaro mansab siyaasadeed, balse aanu layaabi doonin, maadaama ay horey u arkayn kuwii dalka burburiyay oo xilal lagu abaalmariyay

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa dhanka kale sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu ammaanay habar gaalnimo ku barbaartay, oo uu ugala jeedo Angela Merkel, Ra’iisal Wasaaraha dalka Jarmalka.

Ugu dambeyn, Sheekh Umal ayaa wuxuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir uu ugu baaqay in uu Alle u towbad keeno.

Halka hoose ka daawo Muuqaalka Sheekh Umal:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...