Muqdisho (Halqaran.com)- Wasiir Maxamed Cabdi Maareeye Wasiirka Warfaafinta xukuumadda fedraalka Soomaaliya oo si kulull ugu jawaabay eedeyntii uu dowladda u jeediyay ,Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraaan Cabdi Shakuur Warsame.
Wasiirka Warfaafinta xukuumadda fedraalka Soomaaliya ayaa sheegay in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu yahay maxbuus xaq u leh in uu helo waxyaabaha nolosha aas-aasiga u ah, sida inuu Lasocdo Wax yaabaha ka dhacaya Dunida.
Wasiirka ayaa yiri “Xasan Daahir Aweys haddii uu xabsi guri ku jiro xuquuq buu u leeyahay inuu Telefoon haysto,Telefoonkiisu ayuu ku hadlay oo hawada galiyey waxii uu ka dhihi lahaa ,Dowladduna uma geynin oo ma dhihin war soo duub isagaa u arkay in diintiisi lasoo weeraray,marka wax dowladdu ka ogtahay haba yareete ma jirto.
Maareeye oo sii hadalya yiri “Saaxiibkey waxaan leeyahay dowladdu kuma oran wax diin la xariira ka hadal Culimo ayaa ku heysata,arintaadu ma u baahna aftahannimo iyo dad baan is heynaa ee waxaan kuugu nasteexeyn lahaa inaad culimada weydiiso sida aad u towbad keeni lahayd”
Hdalkaan Dawlada Soomaaliya Ka soo Baxay ayaa waxa uu ku soo aadayaa Khudbad uu dhawaan jeediyay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame taas oo dhalisay Dood kulull iyada oo inta badan culimada Soomaliyeed ay aad u naqdiyeen.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com